Xasan Sheekh oo kashifay sababtii xumeysay xiriirka Farmaajo iyo Isaias Afwerki.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamada Soomaalida ee lagu tababarray dalka Eritrea iyo sababta keentay inay dalkooda ku noqon waayaan.

Isagoo ka hadlayey Mac-hadka CSIS ee magaalada Washington ayuu Madaxweynaha sheegay in sababta ciidamada Soomaaliya ee jooga Eritrea aan dalkooda loogu celin ay tahay, iyadoo markii hore madaxweyne Isaias Afwerki uu diiday in dib loo celiyo, sababo la xiriira khilaafaadyada siyaasadeed ee Soomaaliya ka jiray.

Wuxuu sheegay in Eritrea ay si niyad wanaagsan u tababartay ciidamada Soomaaliya, sidoo kalena ay u qalabeysay, haddana ay dadaal ugu jiraan in dib loogu celiyo Soomaaliya, iyagoo Mareykanka ka codsaday inuu gacan ka siiyo.

Xilliyadii ugu danbeeyay muddo xileedkii Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxay inuu xumaaday xiriirka Farmaajo iyo Isais Afwerki, iyadoo aan la ogaan sababta, waxaana dowladda Federaalka ay gebi ahaan diiday inay ka hadasho ciidamada loo qaaday Eritrea.

Maalintii uu xilka banneynayay 23 May 2022 ayuu Farmaajo in ciidamada ku maqan Eritrea ay gaarayaan 5000 askari, dalkana loo keeni waayey khilaafaadkii siyaasadeed ee uu qeybta ka ahaa, laakiin waxaa soo baxday in Madaxweynaha Eritrea uu lahaa go’aanka diidmada in ciidamadaasi lagu celiyo Soomaaliya xilligii kala guurka.

Xildhibaan hore Sakariye Maxamuud Xaaji oo saaxiib la ah Madaxweynaha Eritrea ayaa hore u sheegay inuu xumaaday xiriirka Farmaajo iyo Madaxweynah Eritrea, taasina ay keentay in ciidamadii dowladda Farmaajo dalkaasi geysay la waayo akhbaartooda