Hay’adda NISA oo Shabaabkii ugu badnaa ku qabatay Muqdisho iyo Xarumo lala wareegay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ayaa shaacisay in howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho lagu soo qabtay 10 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo lala wareegay xarumo ay ka howlgalayeen.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamadda Amniga ay xireen toban dhagar-qabe oo ka tirsan argagixisada Alshabaab, iyadoo lagala wareegay xarumo qarsoodi ah iyo agab dagaal oo ay ku heysteen.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, Gaadiid iyo Hub magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa hawlgal kan ku burburiyay shabakad ka tirsan argagixisada oo abaabulayay dilal iyo falal amniga lid ku ah” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Xubnaha Alshabab ee howlgalkan lagu qabtay ayaa isugu jira maleeshiyaad loo diyaariyay beegsiga shacabka, kuwa dhaqaatiir ah oo loo diyaariyay haddii ay wax soo gaaraan maleeshiyadaan inay daaweeyaan iyo dhagar qabayaal kale oo qaabilsanaa degaamaynta iyo u adeegidda maleeshiyadaan.

Faahfaahin kale lagama bixin howlgalkan, goobta uu ka dhacay iyo nooca hubka iyo agabka lagu qabtay midna.