Weriye Caan ka ah dalka Pakistan oo si yaab leh loogu dilay Magaalada Nairobi.

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay weriye caan ka ah dalka Pakistan oo sameeya baaritaannada waaweyn.

Wariye Arshad Sharif ayaa lagu soo waramayaa in booliska Kenya ay habeenimadii Axadda toogasho ku dileen, iyadoo dilkiisa sabab looga dhigay arrin yaab leh oo ah inay ku khaldameen heybtiisa, kuna khaldeen qof kale.

War laga soo xigtay Booliska ayaa lagu sheegay in rasaastu dhacday markii Darawalka Weriyaha uu diiday inuu istaago Bar ay ciidamadu baaritaan ka wadeen, waxaana Gaariga uu la socday weriyaha noociisa loo raadinayey Kiis ku saabsab Afduub.

Arshad Sharif ayaa wararku sheegayaan in rasaastu ka haleeshay Xabadka, xilli ay Booliska Nairobi ku ceyrsadeen wadada u dhaxeysa Nairobi iyo Magadi, Arrinta dilka Weriyaha ayaanay faahfaahin dheeraad ah ka bixin Booliska Nairobi.

Xaaska Shariif oo lagu magacaabo Javeria Siddiqui ayaa baraha bulshada ku xaqiijisay Geerida ninkeeda: “Waxaan maanta waayay saaxiibkey, Saygeyga iyo weriyihii aan aadka u jeclaa ee Arshad Sharif, sida ay boolisku sheegeen waxaa lagu toogtay gudaha Kenya” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Dilka Weriyaha reer Pakistan oo ku guuleystay abaalmario caalami ah ayaa tacsi iyo dood badan ka dhaliyay baraha bulshada dalalka Kenya iyo Pakistan.