Weerarkii Alshabaab ee Hotel Tawakal, Kismaayo oo lasoo afjaray iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar dabley ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Hotel weyn oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Ilaa saddex dabley ah ayaa gudaha u galay Hotelka Tawakal ee bartamaha magaalada Kismaayo, markii ay Gaari is-miidaamin ah ku qarxiyeen, waxayna dagaal la galeen ciidamada Amniga ee Jubbaland.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamadda Amniga Jubaland inay Maqribnimadii dileen Ninkii ugu danbeey ee ka mida maleeshiyada Alshabaab ee ka dhex dagaalameysay Hotel Tawakal, iyadoo Galabta xilli hore dilay 2 ka mida ah Alshabaabkii galay Hotelka.

Sidoo kale ciidamada ayaa hotelka kasoo badbaadiyey dad shacab ah oo u badan odayaal qaarna deganaa, qaarna shir ku lahaa, waana Hotel ay degaan madaxda Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka.

Howlgalka ayaa la soo gagabageeyay, waxaana la dilay dhammaan saddexdii dableyda ahayd ee weerarka ku gashay Hotelka, sida ay sheegeen Hay’adaa Amniga Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka howlgalla Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen, isla-markaana ay la eegteen masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo hotelka ku shaqeynayay.

Wasiirka Amniga gudaha Jubbaland Jen. Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay 9 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 47 kale.