Wasiirka, xildhibaannada iyo Saraakiisha Beesha Murusade oo ka shiray dagaalka Alshabaab.

Wasiirka, xildhibaannada, Saraakiisha iyo Waxgaradka Beesha Murusade ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga arrinsanayeen xaaladda Ddegaanada ay Beeshaan degto ee Gobolka Galgaduud iyo dagaalka Alshabaab.

Kulanka oo ka dhacay mid ka mida Hoteelada Muqdisho waxaa hoggaaminayey Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin, waxaana ku sugnaa xildhibaannada kala ah: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Faa’isa Jeyte, Cadar Cali Maxamed, Xuseen Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxaa shirka ku sugnaa Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Booliiska Gen. Cabdullaahi Bariise, taliyihii hore ee NISA, Gen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud iyo saraakii sare oo ku abtirsada Beeshan.

Beesha Murusade ayaa ka mida beelaha dega Gobolka Galgaduud oo xilligan ay ka socdaan abaabullo dagaal oo Beelaha degaanka ay uga horjeedaan Alshabaab markii ayu hubka qaateen.