Sidee ku dhacday in Alshabaab ay Dagaalkii Aboorey ku Gowracaan xubno ka mid ahaa..?

Waxaa isa soo taraya warar hore u soo baxay oo ku saabsan in Alshabaab ay degaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan ku gowraceen xubno ka mid ahaa, kadib dagaal culus oo ku dhex maray ciidamada dowladda, maleeshiyada degaanka iyo Alshabaab.

Taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka Jen. Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa sheegay intii uu socday dagaal degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan inay ku arkeen arrin yaab leh oo ah in Al Shabaab ay qoorta ka jareen meydadka saddex nin oo looga dilay dagaalka, iyagoo hore usii qaatay madaxyada raggii ay qoorta ka jareen.!

“Dagaalkii Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxyadii ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi

Wuxuu intaas ku daray in ujeedka Shabaab ay sidaas u sameeyeen ay ahayd inaan la aqoonsan meydadka saddexda nin oo la tuhunsan yahay inay ahaayeen saraakiil sar sare oo katirsan Al Shabaab.