Wafdi Carbeed oo Xasan Sheekh soo gaarsiiyey martiqaad ka yimid Madaxweynaha..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta Dalka Algeria Mudane Maxamed Buu Saleymaani oo soo gaarsiiyey dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Al-geria Mudane Cabdulmajiid Tamuun.

Wasiirka Warfaafinta Algeria Maxamed Buu Saleymaani oo maanta dalka yimid ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey dhambaal ku saabsan marti-qaadka shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo bisha soo socota ka furmaya dalka Algeria.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal iyo farriin aqbalaad ah uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdulmajiid Tabuun, wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii amba-qaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ay ku yeesheen New York.

Xasan Sheekh ayaa la wadaagay wafdiga uu la kulmay ee dalka Algeria xaaladda dalka iyo dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal.