Cali Jeyte oo dalbaday in tallaabo laga qaado Taliyeyaasha Booliska iyo NISA ee Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dayac amni ku eedeeyay saraakiisga ugfu saareysa Booliska iyo Nabadsugidda Hay’adda NISA, isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne.

Cali Jeyte ayaa sheegay in Baabuurta Qaraxyada ismiidaaminta ahaa ee weerarrada ka fuiliyay magaalada Beledweyne laga soo gudbiyay Buundada Beledweyne, ayna geysteen qasaaraha dhimasho ka badan 30-qof, halka ay ku dhaawacmeen 58-qof.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte wuxuu si toos ah u eedeeyay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda, wax tallaabo ahna aysan ka qaadin Qaraxyada ka dhacay magaalada Baledweyne, isagoo dalbaday in dowladda Federaalka ay tallaabo ka qaado labada taliye.

Wuxuu dalbaday in lasoo diro xeer ilaalinta iyo Guddi baaris oo la daba galo Qaraxyadii meeshan ka dhacay, mas’uuliyadana ay leeyihiin labada sarkaal ee Booliska iyo Nabadsugida oo shaqadoodii kasoo bixi waayey, ayna tahay in loo maxkamadeedyo.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu ku celceliyay in tallaabo laga qaado saraakiisha uu ku eedeeyay inay waajibaadkooda gudan waayeen.