Waare oo maamul Goboleedyada ugu baaqay inay diidaan Heshiiska Shidaalka ee Coastline.

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid heshiiska Shidaalka ee dhowaan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la saxiixatay Shirkadda Coastline Exploration.

Qoraal uu u diray Maamul Goboleedyada ayuu Mudane Waare ku sheegay in heshiiska uu yahay mid aan daah furneyn, isla markaana uu khaldan yahay oo ay tahay in la diido, sidii loo diiday xilligii dowladii Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Dowlad Goboleedyada waa inay diidaan heshiiska Shirkadda Coastline Explorastion/Soma Oil. Ma buuxinayo heerarka ugu yar ee tartan daah-furnaanta ah. Heshiisku waa khaldanaa xilligii Farmaajo iyo Xasan Khayre, welina waa khaldan yahay’ ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Heshiiskan ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada, waxaana ogolaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ay weli ku jiraan mugdi, isla markaana aan dadka loo sharxin waxyaabaha laga bedelay, waxayna dowladda Federaalka lacag gaareysa 7 milyan Dollar ka heshay saxiixa heshiiska.