Askari Itoobiyaan ah oo Rasaas ku furay Garoonka Jigjiga iyo Xildhibaanad caan ah oo lagu dilay.

Askari ka tirsan cidiamada Itoobiya ee ka tirsan ilaalada Garoonka magaalada Jigjiga ayaa si bareer ah galabta rasaas ugu furay dad ku sugnaa gudaha Garoonka, taasoo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Rasaasta askariga furay waxaa ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay saddex kalena, kadib rasaasta uu furay Askariga oo si aan loo kala sooc lahayn ugu beegsaday Dadkuu ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga.

Qofka dhintay ayaa ah xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiyaa oo xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed , waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Dadka dhaawaca ah ee la xaqiijiay waxa ku jira xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Gaaruf. Dadka khasaaruhu soo gaadhay ayaa ka dhoofayay garoonka.

Madaxa booliska deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in askariga rasaasta furay la qabtay, iyadoo uu socdo baaritaan ku saabsan sida ay wax u dhaceen. Amniga garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxa ilaaliya ciidanka federaalka ee Itoobiya.

Madaxweynaha Somali State Mustafe Muxumed Cumar ayaa tacsi u diray xildhibaannada geriyootay, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku sheegay un Ciidamada amaanka ee Deganka ay gacanta ku hayaan Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, lana marin doono ciqaabta uu mutaystay.

“Hay’adaha Amniga ayaa wadda baaritaan ku saabsan sida iyo sababta wax u dhaceen taas oo shacabka lala wadaagi doono. Waxaa kale oo muhiim ah in laga arinsado sidii looga hor tagi lahaa in falal noocan ah ay dib u dhacaan inkasta oo wax kasta aan la baajin karin” ayuu yiri Madaxweynaha DDS.