Taliska Mareykanka oo shaaciyey Shabaab-kii ugu badnaa ee Duqeyn lagu dilay Buuloburte.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey duqeyn ka dhacday agagaarka Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan oo lagu dilay tiradii uu badneyd ee maleeshiyada Alshabaab dhowaanahan.

Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu Taliska Mareykanka ee Afrika ku qaaday Weerar dhinaca Cirka ah oo ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab oo 18-kii Sebtembar ku weeraray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel ku dhow Buulabarde, Soomaaliya.

“Qiimeynta hordhaca ah ee taliska waxaa duqeynta lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, isla markaana ma jirin dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay. Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada la-jaalka ah” ayaa lagu yiri Qoraalka AFRICOM.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dib u hantay hoggaanka dagaalka, iyagoo sii wada howlgallada lagu carqaladeynayo Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. “Hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa ee ay ciidamada Soomaaliya iyo ATMIS fuliyaan muddo shan sano ah” ayaa ka mid ahaa qoraalka AFRICOM.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tillaabooyin si looga hortago waxyeelada rayidka. Dadaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay al-Shabaab si joogto ah u geysato dadka rayidka ah.