Madaxweynaha Ruushka oo ku dhawaaqay xaalad degdega, una yeertay Ciidamadiisa Keydka ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in loo yeero lana abaabulo ciidamada keydka ah ee dalka Ruushka.

Khudbad uu ka jeediyay Telefishanka dowladda Ruushka ayuu Madaxweynaha Ruushka ku sheegay in Ruushku wajaho cadaawad sii kordheysa oo ka imaaneysa Reer Galbeedka, iyadoo dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine uu dib u dhc ku yimid.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa uga digay reer galbeedka inuusan adeegsan doono dhammaan awoodaha uu ku difaaci karo dhulka Ruushka, taasoo u muuqatay inuu tilmaamayo Hubka Nukliyeerka Ruushka, isagoo ku eedeeyay reer Galbeedka iyo NATO inay sii wadaan hubeynta Ukraine.

Tirada ciidamada Keydka ee Madaxweynaha Ruushka u yeertay ayaa gaaraya 300,000, askari sida ay saraakiishu sheegeen. Waxaa kaliya la abaabuli doonaa askarta leh khibradda dagaal iyo adeegsiga Hubka, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei Shoigu. Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan ku dhawaad ​​25 milyan oo qof oo ku haboon shuruudahan, balse ku dhawaad ​​1% kaliya ayaa la abaabuli doonaa.

“Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo in waddankeennu leeyahay Hub iyo habab kala duwan oo wax burburiya, iyo awood ka casrisan kuwa dalalka NATO, haddii midnimada dhuleed ee dalkeenna loo hanjabo, ilaalinta Ruushka iyo dadkeena, waxa hubaal ah in aanu isticmaali doono wax kasta oo aanu awoodno,” ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Putin ayaa sheegay in uu horey u saxiixay wareegtada abaabulka qeyb ka ah, taasoo bilaabaneysa Arbacada. Abaabul buuxa ayaa laga yaabaa in aan laga jecleyn Ruushka waxaana laga yaabaa inay sii fogaato mowqifka Putin ka dib dib u dhacyadii militari ee dhowaan ka dhacay Ukraine.

Waxaan ka hadleynaa abaabulka qayb ahaan, taas oo ah, kaliya muwaadiniinta hadda ku jira kaydka ayaa lagu qori doonaa qorista, iyo wax walba oo ka sarreeya, kuwa ka soo shaqeeyay ciidamada qalabka sida waxay leeyihiin takhasus ciidan oo gaar ah iyo khibrad la xiriirta,” ayuu yiri Putin.