SAWIRRO: Laftagareen oo gaaray Jig-jiga (Ujeedada socdaalkiisa).

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jig-jiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jig-jiga Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxamed,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxtooyada KG ayaa sheegay in socdaalka Madaxweyne Laftagareen ee Jig-jiga uu la xariiro sidii uu Madaxweynaha DDS uu ugala hadli lahaa iskaashiga Amniga xaduudaha iyo la-dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab.

Dhanka kale, War ka soo baxay DDS ayaa lagu yidhi “Iyada oo laga duulayo heshiiska iskaashi ee dhanka amniga ee ka dhexeeya labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan ku dhexmaray Madaxweynaha DDS iyo dhiggiisa Dowladd-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, kulanka ayaa salka ku hayo sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa xuduudda ay wadaagaan labada deegaan.”