Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Cusub Ee Dalka Oo Maanta Xilka La Wareegay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Salah Jama iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mahdi M. Gulaid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee xilka wareejiyey, sidii howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo xusay shaqadii adkayd ee mudadaas uu u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Saalax Axmed Jaamac in allaha u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, waxuuna ku tilmaamay nin shaqo yaqaan ah, lehna xirfad hoggaamineed oo ay ka faa’iideysan doonaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore, ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, dukumiintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

ra'iisul wasaare kuxigeenka cusub ee dalka oo maanta xilka la wareegay.
ra'iisul wasaare kuxigeenka cusub ee dalka oo maanta xilka la wareegay.