Ruto oo ku horeeya Doorashada Madaxweynaha Kenya iyo Ciidamo badan oo la geeyay Xarunta..

Maalintii shanaad ayey gashay tirinta codadka Doorashada guud ee dalka Kenya iyadoo si weyn loo sugayo cidda noqon doonta madaxweynaha cusub dalkaasi.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa ku horeeya codadka ilaa hadda la tiriyey, isagoo hoggaaminaya Musharaxa Isbaheysiga mucaaradka ee Raila Odinga oo tartan adag ka dhaxeeyo.

Natiijadii rasmiga ahayd ee ay faafisay kooxda ‘Nation’ ayaa muujisay in Ruto uu heysto 51% codadkii la dhiibtay, isagoo ka hor maray hoggaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga oo isna heysta 48%. Waxaa ilaa hadda la tiriyay in ku dhow kala bar codadka la dhiibtay.

Xiisad ayaa hareysay xarunta Guddiga Doorashada Kenya ee tirinta codadka iyo xaqiijinta ay ka socoto, waxaana laga soo weriyey xamaasad kacsan iyo xiisad xooggan oo ka dhex aloosan labada dhinac.

Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa gudaha xarunta cod-tirinta ee Guddiga Doorashada Qaranka, kadib markii ay gacan ka hadal iyo eedaymo ay dhex mareen wakiilada xisbiga ee ku sugan xarunta Doorashada ee BOMAS.

Jahwareerka ka dhashay tirinta codadka ee warbaahinta iyo gaabiska horumarka ee guddiga doorashada ayaa walaac galiyay Kenya oo ah dalka ugu horeeya Bariga Afrika, balse waxaa hore uga dhacay rabshado ka dhashay doorashooyinkii lagu murmay.

Musharax ku guulaysta 50% +1 ayaa noqonaya Madaxweynaha cuusb e Kenya. Guddiga Doorashda Kenya ayaa heysta todoba maalmood oo ka bilaabmaysa codaynta si ay ugu dhawaaqaan kuwa guulaystay.

Willian Ruto iyo Raila Odinga maanta oo Axad ah tegay Kaniisado, iyagoo jeediyey khubado kala duwan, waxayna ku baaqeen nabad iyo in la sugo natiijada Doorshada, laakiin ku xigeenadooda ayaa kala sheegtay guulo iska horjeeda.

Isbaheysiga Azimio oo ay hogaamiso musharaxa ku xigeenka Mr Odinga ee Martha Karua ayaa isugu yeeray dhamaan xildhibaanada cusub iyo gudoomiyaasha gobolada dalka oo dhan kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi, kulankaas oo u muuqday mid ay ku muujinayeen cudud iyo cudud xisbiga.