DEGDEG: William Ruto oo ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha ee dalka Kenya.

Guddiga Doorashooyinka dalka Kneya ayaa goor dhow ku dhawaaqay natiijadii la wada sugayey ee Doorashada madaxweynaha dalka Kenya oo dhacday 9-kii Ogost 2022.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooynka iyo xuduudaha Kenya Wafula Chebukati ayaa ku dhawaaqay inuu doorasha madaxweynaha Kenya ku guuleystay William Ruto, kadib 3 saacadood oo dib u dhac ah.

aranka oo ahaa mid adag ayaa natiijada la sheeciyey wuxuu Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi helay codadka dhan 50.49%, halka Musharaxa sida adag ula tartamay ee Raila Odinga uu ka helay 48.5%.

Waxaan caddeynayaa inuu xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ku guuleystay Doorashadii dalka Kenya, loona doortay si sharci ah .” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya Wafula Chebukati.

Natiijadan ayaa soo baxday iyadoo ay kala qeybsameen Guddiga Doorashada Kenya ayna natiijada ka biyo diideen 4 xubnood oo ka mida Guddiga oo ay hoggaaminayso Guddoomiye ku xigeenka Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Wafula Chebukati ayaa sheegay inuu natiijadan shaacinayo iyadoo wax badan oo dhibaato ah loo geystay shaqaalaha guddiga, isaga loo goodiyey, isla markaana la saaray cadaadis aad u daran.