Raysal wasaarahii dalka Ingiriiska oo Maanta is casishay.

Raysal wasaraahii dalka Ingiriiska Liz Truss ayaa goordhaw oo Maanta ah shaacisay iney iska casishay xilkii Raysal wasaaranimo ee dalka Britain, ayada oo xafiiska joogtay mudo lix todobaad kaliya.

Liz Truss ayaa noqoneysa Raysal wasaarahii ugu mudada gaabnaa ee soo mara dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay in Liz Truss uu la degay barnaamijkeeda dhaqaalaha, kaasi oo mowjado jahwareer ah ku diray suuqyada dhaqaalaha, islamarkaana kala qeybiyey xisbiga Conservative-ka mudo lix toddobaad ku siman markii xilka loo magacaabay Truss.

Liz Truss ayaa si cad u sheegtay inay awoodi weysay in aay kasoo baxdo balan qaadyadii ay sameysay markii ay u tartameysay hoggaanka Xisbiga Conservative-ka.

“Saaka waxaa la kulmay guddoomiyaha Guddiga 1922, Sir Graham Brady. Waxaan isku raacnay inay jiri doonto doorasho hoggaan cusub oo lagu dhameyn doonoo toddobaadka soo socda gudihiis. Tani waxay xaqiijin doontaa inaan ku taagnaano waddada aan kusoo gudbineyo qorshayaasheena dhaqaale kuna joogteyneyno xasilloonida dhaqaale iyo amniga qaranka dalkeena” ayay tiri Liz Truss.

Gabagabadii hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa dalbaday doorasho guud oo dhacda dalka.