Qaraxyo Siyaabo Kale Duwan Caawa Uga Dhacay Muqdisho.

Warar kale duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan qaraxyo siyaabo kale duwan caawa uga dhacay caawa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab u badan.

Qarax ka dhacay Isgoyska Ceelqalow degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa wararku ay sheegayaan inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana ay ku qaraxday goob ay fadhiyeen dad dhallinyaro u badan.

Inta la xaqiijiyay sedex ruux, halka ay dhaawacyo kale duwan ay kasoo gaareen 7 ruux oo kale sida ay inoo xaqiijeen dad goobjoogayaal, ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale wararku waxaa ay caawa sheegayaan inuu qarax ka dhacay degmada Xamarjajabab ee gobolka Banaadir, waxaana si dahab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qarax kale ee ka dhacay degmada.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaco qaraxyo kale duwan, kuwaas oo lala eegto mas’uulitiin shakhsiyaad kale waxaana ka dhasha dhibaato soo gaarta dad shacab ah mararka qaar.