Musharax Cirro oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay mudaharaadyadii maanta.

 Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in 6 qof ay ku dhinteen mudaharaadadii maanta, isla markaana 99 qof ay ku dhaawacmeen, lana xidhay dad 100 kor u dhaafaya.

“Tafaasiisha dhimashada iyo dhaawaca ee ilaa hada nasoo gaadhay, dhamaan gobolada J. Somaliland waa sidan:- gobolka Maroodijeex dhimasho 3 qof, dhaawucu wuxuu kor u dhaafay 50 xubnood, gobolka Togdheer dhimasho 2, dhaawucu wuxuu kor u dhaafay 40 xubnood, gobolka Sanaag dhimasho, 1 qof, dhaawac ilaa 9 qof” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in la xidhay Axmed Cumar X. Cabdillaahi Xamarje, oo kamid ah guddoomiye ku xigeenada xisbiga Waddani iyo 100 muwaadin oo kale, kuwaasi oo la qabtay intii uu mudaharaasku socday. Tirooyinka dhimashada, dhaawaca iyo xadhiga ee Cirro sheegay ayaa ka badan warbixinta booliiska.

Waxa uu sheegay in masuuliyada khasaaraha ay leedahay xukumada Somaliland, isla markaana anay cidna la wadaagayn, dhanka kale waxa uu sheegay in mudoharaadku socon doono oo uu habeen iyo maalinba socon doono, oo maanta uu bilow uun ahaa.

Waxa uu sheegay in mudaharaadku aanu istaagi doonin ilaa oo xukuumada laga ogolaysiiyo in ay doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qabato, isla markaana waxa uu intaa ku daray in banaanbaxyadu ay socon doonaan ilaa 13 November hadii aan doorasho la qaban.

Waxa uu sheegay in kulamo u bilaabmi doonaan isbahaysiga mucaaradka, kulamadaas oo uu sheegay in Somaliland lagaga bad baadinayo xukuumada Kulmiye oo uu ku tilmaamay mid macangag ah, wuxuuna dhaqan kalidii talisnimo ku tilmaamay in la jaro khadka internetka.