Dowladda Mareykanka ayaa diginin kasoo saratay rabshadaha ka taagan Somaliland ee ka dhashay is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada madaxweynaha ee u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadda.

Dibadbaxyo ay rabshado ka dhasheen ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Somaliland, halkaasi oo ciidamada ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal taageersan mucaaradka.

“Waxaan si xooggan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland inay ka fogaadaan rabshdaha inta ay socdaan dibadbaxyada, ayna si deg deg ah ugu laabtaan wada-hadallada siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

“Guuldarada in heshiis laga laga gaaro doorashooyinka waxay halis ku tahay guulaha ay Somaliland ka gaartay dawladnimada dimoqraadiga ah,” ayey ka digtay safaaradda.

Xiisadda siyaasadeed ee Somaliland ayaa salka ku haysa in mucaaradka iyo xukuumadda isku mari la’yihiin qabashada doorashada madaxweynaha, taasi oo dhalisay in mucaaradka ay ku baaqaan dibadbaxyo.

Mareykanka oo dignin culus kasoo saaray rabshadaha ka taagan SOMALILAND - Caasimada Online

Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor yimaadeen.

Meelo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa laga soo sheegay in boolisku ay isku dayeen inay xakameeyaan dibadbaxyada.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in qadka internet-ka laga jaray Somaliland, oo aysan dadku adeegsan karin baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xiran internet-ka.

Dowladda weli war rasmi ah kama soo saarin xaaladda ugu dambeysa, balse waxay horay uga digtay in ay dadku ku dibadbaxaan meelo ka baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay.