Maleeshiyada Alshabaab oo weli ku jira Qeybta sare ee Hotel Hayat iyo Magacyada Dadka ku dhintay.

Alshabaab ayaa weli ku jira oo ka dagaalamaya Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho, iyadoo isugu tegay Dabaqa Sare ee Hotelka oo ay weli ka dagaalamayaan.

Ciidamo badan ayaa Hotelka ka dagaalamaya, waxaana markii danbe ku biiray ciidamada gaarka ah ee Alfa oo Mareykanku tababaray, waxaana laga soo diray fadhigooda Garoonka Muqdisho, howlgalka ayaa ah mid adag oo qeybaha Hotelka ka dhex socda.

Waxaa lasoo weriyey inay weerarka Alshabaab ku qaadeen Hotel Hayat ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dad kala duwan oo isugu jira shacab, askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda.
Dadka Hotelka ku dhintay waxa ka mida: Ganacsade Abdirahman Hassan Iman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo dhammaan qar kale, dadka ku dhaawcamay waxaa kamida taliyihii Nabadsugidda G/Banaadir.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa weli laa maqlayaa Hotelka, iyadoo burbur xoog leh uu gaaray qeybo ka mida Hotelka, waxaana qarax weyn oo la maqlay saqdii dhexe kadib la sheegay inay adeegsadeen ciidamada Amniga oo ku jebiyayn Derbi ka mida dhismaha Hotelka si ay howlgalka socda ugu adeegsadaan.