Dadka dhintay Weerarka Alshabaab ee Hotal Hayat oo kordhay iyo Dhismaha oo Qarka u saaran..

Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay weerarka Alshabaab ku qabsaday Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho oo muddo 24 saacadood ah ay ka dagaalamayaan dabley ka tirsan Alshabaab.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dagaal kula jira Dableyda Alshabaab ee Hotelka ku jirta, dagaalkaasi oo dhaliyey burburkii ugu weynaa ee soo gaaray Hotel ay weerarreen Alshabaab, waxaana weli meydad hor leh laga soo qaadayaa dhismaha burburay ee Hotelka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in tirada daka ku dhitnay ay sare u dhaaftay 20 qof, iyadoo laga cabsi qabo in meydad kale laga helo gudaha Hotelka oo dabaqyada hoose ay si weyn u burbureen, markii ciidamaa dowoladda ay hub culus ku garaacayeen ilaa xalay.

Dableyda Alshabaab ee galay qeybta sare ee Hotelka ayaa dhibaato weyn ku dhaliyey ciidamada doonaya inay ka saaraan Hotelka, waxaana laga cabsi qabaa in Hotelku uu qarka u saaran yahay inuu dumo haddii Miinooyin hore lagu xiro.

Waa weerarkii ugu waqtiga dheeraa oo dabley ka tirsan Alshabaab ku qabsadaan Hotel ka mida kuwa Muqdisho, wuxuuna socdaa 24 saacadood, iyadoo ay ka muuqato ciidamda kala duwan inay u fashilmeen howlgalka, burbur weyna ay gaarsiiyeen Hotelka.

Magacyada dadka dhintay Hotelka Hayat waxaa ka mida:

1- Cabdiraxmaan Xasan Iimaan (Jilibey)

2- Sheekh Maxamed Baabili

3- Yuusuf Mahad Barrow

4- Ibraahim Raage Maxamed

5- Nasro Axmed Cali Shiino

6- Cabdi Haadi Maxamed Sheekh

7- Xasan Maxamed Yalaxow

8- Xaaji Bashir X. Suleymaan Muxumed

9- C/rashiid Cabdi Axmed

10- Shahiid Axmed Cumar

11- Axmed C/llaahi Ibrahim

12- C/aahi Abiib Maxumed

13- Maryan Shiikh Cali

14- Abdirashid Nuunow

16- Ahmed Cali Xaaji

17- Seynab Abdi Maqaar