Madaxweyne ku xigeenka Galmudug: Bartilmaameedkeenu waa Ceelbuur iyo Xarardheere.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inay kooxda Al shabaab ka qabsadeen wax ka badan 10 deegan oo ay maamulayeen 10 kii sano ee la so dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa hadalkan ka sheegay deegaanka Ceel lahelay ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay caawa ku hooyanayaan isaga, wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo taliyaha Ciidamada Xoogga.

Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inay Alshabaab gaarsiiyeen jab xoogan. Wuxuu tilmaamay inay Alshabaab saddex aag dagaal kaga fureen uuna bartilmaameedkooda yahay inay gaaraan degmooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere ee gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug wuxuu sheegay deegaannada Shabaab maamulayeen 15 sano, inay ku sugan yihiin dad aan garanayn calanka Soomaaliya iyo magaca Soomaaliyeed.”

“Maanta wiilka isagoo shan jir ah la qabsaday Ceelbuur, waa 2o jir aan aqoon calanka  waddan Soomaaliya la yiraahdo iyo calanka Soomaaliya, oo aan ka ahayn calan madow,”ayuu yiri Ciid.

Ciidamada Galmudug ayaa hadda ku sugan tuulada Ceel la helay oo 40km u jirta  Ceelbuur.  Waxay ciidamadu maanta la kulmeen iska caabin, inkastoo markii dambe ay jebiyeen kooxdii Alshabab ee loogu tagay farriiisinkooda.