Hay’adda NISA oo bilowday inay tallaabo ka qaado Dadka xiriirka la sameeya Alshabaab.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa bilowday inay xirto oo tallaabo ka qaado dadka xiriirka la yeesha ama la macaamila Alshabaab.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu yiri: “Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay Argagixisada”, iyadoo la sheegay inay ahaayeen 7 qof oo isugu jira nabadoonno iyo odayaal.

NISA ayaa amarkan soo sartay. “Hadda ka dib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka”.

Afhayeenka Booliska Saadiq Doodishe ayaa sheegay in 7 Ooday iyo nabaddoono aaday degaanada Alshabaab oo la macaamilay Alshabaab, kana soo laabtay ay qabteen ciidamada, xabsigana la dhigay, iyadoo loo gudbin doono xeer ilaalinta.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay dagaallo ka dhan ah Alshabaab ka socdaan Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Bay, waxayna ciidamada dowladda la wareegeen degaano ay Alshabaab hore u heysteen.