Madaxweynayaasha Somaliya iyo Masar oo kulan gaara yeeshay iyo Arrimaha looga hadlay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaara magaalada Algiers ee dalka Algeria kula yeeshay Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfataax Al-Siisi.

Kulanka ayey shacisay madaxtooyada Soomalaiya in looga hadlay xiririka labada dal, xaaladda Soomaaliya iyo ay Dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada.

Madaxweynaha Somaliya ayaa dhiggiisa Masar oo markii labaad ay kulmayaan ka kala hadlay saameynta daran ee iyo isbedelka cimiladu u geysteen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Masar ayey Madaxtooyada Soomaaliya kasoo xigatay inuu soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo inuu balanqaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen, iyadoo shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya.