Heshiis Xabbad joojin ah oo dhex maray Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigray.

Dowladda Itoobiya iyo Jabhada Maamulka Tigray ayaa heshiis xabbad joojin ah ku gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo ay kasoo shaqeyeen Mareykanka iyo Midowga Afrika.

Heshiiska labada dhinac dagaal culus u dhaxeeyay muddo 2 sano ah ayaa waaanwaan qaadatay muddo 2 isbuuc ah yeeshay, waxayna ku heshiiyeen inay dhacdo hub dhigis marxaladaysan, iyo in gargaarka bani’aadannimo loo furo in dadka la gaarsiiyo, iyo in la soo caliyo adeegyadii dadweynaha.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyey kadib wadahadallo ay ka wada qeyb galayeen ergooyin ka kala socda dawladda Itoobya iyo mucaaradka Jabhadda Tigray.

Wadahadalladan waxaa dhex-dhexaadiyey Midowga Afrika iyo dawladda Maraykanka oo la sheegay inay korjooge ka ahayd, isla markaana shirka geysay madaxda Tigray.