Madaxweynayaasha Somaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshay Nairobi iyo Arrimaha ay ku heshiiyeen.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada dalka Kenya ee magaalada Nairobi.

Kulankan oo yimid kadib caleemosaarkii Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo shalay la caleemo saaray ayaa looga hadlay arrimo dowr ah oo ku saabsan xiriirka laba dal.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay isla garteen qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay in la sii amba-qaado heshiisyada miro dhalka ah ee horey loo gaaray.

Arrimaha labad amadaxweyne isla qaateen waxaa ka mida fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada.

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga.

“Waxaan wadahadal kula yeeshay xarunta Madaxtooyada madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, waxaan ka wadahadalnay Xaaladda amni ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Waxaan si degdega u howlgelin doonnaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Qoraalka uu soo saaray madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in kor loo qaadi doono Ganacsiga Qaadka (Miraa) iyo kalluunka, lana fududayn doono isu socodka labada Dal.