Guddoomiyaha ku-xigeenadii G/Banadir oo aan weli la magacaabin iyo Duqa cusub oo xilka la wareegay.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay la wareegay xilka, kadib xaflad ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Xafladda oo ay ka qeyb galeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, wasiiro, waxgarad iyo xubnaha maamulka Gobolka Banaadir ayuu Yuusuf Boorsaani si rasmi ah xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaad ka hor mar kale xilkan u magacaabay Yuusuf Boorsaani, wuxuuna xilka la wareegay iyadoo aan la magacaaban guddoomiye ku xigeenadii Gobolka Banaadir iyo xoghayaha Gobolka.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono horumarka Gobolka Banaadir, lana shaqeyn doono hay’adaha Amniga dowladda Federaalka.