Kumanaan Qof oo ka qeyb galay Aaska Caalimkii Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi (Sawirro).

Waxaa galabta magaalada Doha ee dalka Qatar lagu aasay Caalimkii caanka ahaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi oo Isniintii geeriyooday, isagoo 96 sano jir ah.

Salaadii janaasadda ayaa Sheekha lagula tukada Masjidka Maxamed Bin C/wahaab ee magaalada Doha, iyadoo Masjidka uu qaadi waayey dadkii isugu yimid janaasadda oo aad u fara badnaa.

Dadka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Cuilmo caan ah, madaxda ururka Xamaas, mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan, waxaana ugu danbeyn lagu aasay Qabuura Museymir ee duleedka magaalada Doha.

Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi ayaa u dhashay dalka Masar, wuxuuna ku caan baxay fikerka dhexe ee islaamka, wuxuu ka tirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin, wuxuu aasaasay madaxna ka noqday Hay’adda Culimada Muslimiinta.

DAAWO SAWIRRADA

Naxashka Sheekh Al-Qaradawi oo la sido
Masjidka Mohamed Bin Abdulwahab oo buuxsamay
Dadka ka qeyb glaay Janaasadda Sheekh Yusuf Al-qaradawi waxaa ka mida madaxda ururka Xamaas ee Ismail Haniya iyo Khalid Mishcal
Mas’uuliyiin iyo culimo waaweyn ayaa ka qeyb galay janaasada