Akhriso Liiska Golaha Wasiirada cusub ee Dalka Kenya (Aden Barre oo noqday Wasiir culus).

Madaxweynaha cusub ee Deknya William Ruto ayaa ku dhawaaqay Golihiisa cusub ee Wasiirada oo ka kooban 21 wasiir iyo la-taliyeyaal sare.

Ruto sidoo kale u magacaabay afhayeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Justin Muturi inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud, halka Mercy Wanjau uu u magacaabay xoghayaha golaha wasiirada.

Hoos ka Akhriso Liiska Golaha Wasiirada Kenya:

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha – Prof Abraham Kindiki
  2. Hantidhowrka Qaranka – Prof. Njuguna Ndung’u
  3. Wasiirka Jinsiga Adeegga Dadweynaha iyo Talaabada Xaqiijinta – Aisha Jumwa
  4. Wasiirka Difaaca – Aadan Ducaale
  5. Wasiirka Fayadhowrka Biyaha – Alice Wahome
  6. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta – Alfred Mutua
  7. Wasiirka Ganacsiga, Maalgashiga iyo Warshadaha – Muuse Kuriya
  8. Wasiirka Bulshada Bariga Afrika, iyo Horumarinta Gobolka – Rebecca Miano
  9. Wasiirka Wadooyinka, Gaadiidka iyo Hawlaha Guud – Kipchumba Murkomen
  10. Wasiirka Deegaanka iyo Kaymaha – Roselinda Soipan Tuya
  11. Wasiirka Dhulka, Guryaha iyo Horumarinta Magaalooyinka – Zachariah Mwangi Njeru
  12. Wasiirka Dalxiiska, Duurjoogta iyo Dhaxalka – Peninah Malonza
  13. Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Xoolaha – Mithika Linturi
  14. Wasiirka Caafimaadka – Susan Nakumicha Wafula
  15. Wasiirka Macluumaadka, Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha – Eliud Owalo
  16. Wasiirka Waxbarashada – Ezekiel Machogu
  17. Wasiirka Tamarta iyo Batroolka – Davis Chirchir
  18. Wasiirka Arimaha Dhalinyarada Isboortiga iyo Farshaxanka – Ababu Namwamba
  19. Wasiirka Iskaashatooyinka iyo horumarinta MSME – Simon Chelugui
  20. Wasiirka Macdanta, dhaqaalaha iyo arrimaha badda – Salim Mvurya
  21. Wasiirka Ilaalinta shaqada iyo bulshada – Florence Bore
  22. Wasiirka La taliyaha Hay’adda Xuquuqda Haweenka – Hariet Chigai
  23. Wasiirka La taliyaha Amniga Qaranka – Monica Juma