Guddiga Difaaca Golaha Aqalka Sare oo Su’aalo Weydiiyay Wasaaradda Amniga iyo Hey’adda Socdaalka.

Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare ee BFS oo gudanaya waajibaadka ku xusan Qodobka 77aad ee Dastuurka KMG ah ayaa ugu yeeray Xarunta Golaha Aqalka Sare wasaaradda Amniga Gudaha XFS iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,si ay u waydiyaan su’aalo la xariira Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare sen. Aaden Cabdinaasir Maxamed iyo xubnaha Guddiga ayaa soo dhoweeyay Masuuliyintan oo uu hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa.

Guddiga Amniga ayaa wax ka waydiiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo hadda horyaalla Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare,Wasaaradda iyo Hay’adda ayaa ka jawaabay dhammaan weydiimihii uu Guddigu hordhigay.

Kulanka gebagabadiisa waxaa lagu ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac, guddiyada kale duwan ee golaha ayaa muddooyinkii dambe waday su’aalo waydiinta hey’adaha dowladda ee dhanka amniga iyo sidoo kale kuwa arrimaha bulshada sida waxbarashada caafimaadka iyo arrimaha kale.