Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2023.

Kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka ah loogu gudbiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka.

Miisaaniyadda ayaa gaaraysa sananka 2023-ka $967.7  taas oo ay ku jiraan daqliga gudaha iyo kan dibadda ka yimaada ee deeqda ah.

“Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha.

Miisaaniyadda ayaa sidoo kale la sheegay in sanadkaan daqliga gudaha ka soo xarooday kor looga qaaday sanadihii hore halki uu joogay.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha.

Wasiirka maaliyadda ayaa dhankiisa xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah kaga mahad celiyay ansixinta miisaaniyadda

“Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha.

Dhinaca kale golaha wasiirada ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee dowladda Soomaaliya ay la soo gashay dalalka Sudan iyo Uganda.

“Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka,”ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha.