Farmaajo, Qoorqoor iyo Lafta-gareen oo Xasan Sheekh uga hormaray Hambalyada William Ruto.

Madaxweynhii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo K/Galbeed Axmed Cabdi Qoorqoor iyo C/casiis Lafta-gareen ayaa ka mid noqday Soomaalidii ugu horeysay ee hambalyo u dirta Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto.

Farmaajo iyo Qoorqoor ayaa daqiiqado gudahood farriimo hambalyo ah u diray William Ruto intii ay socotay khudbadii uu ka jeedinayey xarunta BOMAS ee magaalada Nairobi, waxanaa ku xigsaday C/casiis Lafta-gareen xilli ay taagereeyaasha Farmaajo Baraha bulshada ugu dabaaldegeen guusha madaxweyaha la doortay ee Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyadiisa timid saacad kadib markii ay saddexda nin ee hore hambalyadooda direen, waxaana la yaab lahayd in qaar ka mida taageerayaasha Farmaajo ay sheegteen inay iyagu horseed u ahaayeen guusha uu doorashada ka gaaray William Ruto.

Dadka qaarkood ayaa ku doodaya in cinwaanada madaxda K/Galbeed iyo Galmudug ay weli maamulaan taageerayaasha Farmaajo ee hoostaga agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasiin, taasina ay keentay in loo adeegsado arrimahan oo kale