Falastiiniyiinta oo sheegay in 31 qof ay ku dhinteen duqaymaha Israa’iil ee Gaza.

Dalka Masar ayaa dedaal ugu jira, sidii heshiis xabbad joojin ah looga gaadhi lahaa dagaalka ka soo cusboonaaday marinka Gaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad.

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay haatan marayso illaa 31 qof oo ay ku jiraan illaa lix caruur ah, kuwaas oo ku dhintay duqaymihii kala duwanaa ee ay geysteen ciidamada dalka Israa’iil.

Hase yeeshee ciidamada Israa’iil ayaa iyagu ku doodaya inaanay masuul ka ahayn dhimashada illaa 9 qof oo ka mida dadkaas. Falastiiniyiinta ayaa illaa 600 oo gantaal ku tuuray gudaha Israa’iil, tan iyo maalintii Jimcihii oo dagaalku bilawday.

Dagaalkan ugu dambeeyey ayaa bilaabmay ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ay xidheen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Islamic Jihaad toddobaadkii hore, iyo iyada oo la dilay wiil 17 jir ah oo Falastiini ah. Kooxda Islaamic Jihaad ayaa markaas ku hanjabtay inay ka aargoosan doonaan tallaabadaas la qaaday.

Maalinimadii Jimcihii ayaa Israa’iil waxay weerar cirka ah ku qaaday marinka Gaza iyaga oo dilay taliye sare oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad. Wixii markaas ka dambeeyey, talada ayaa faraha ka baxday, waxaana bilaabmay dagaal u dhexeeya labada dhinac, kaas oo sababay in kooxda Islamic Jihad ay Israa’iil ku duqeeyaan illaa 600 oo gantaal, kuwaas oo intooda badan ay soo rideen nidaamka difaaca gantaallada ee Israa’iil, ee loo yaqaano Iron dome.

Israa’iiliyiinta ku nool deegaanada u dhow marinka Gaza ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey waxay ku gabbanayeen goobo loogu talo galay in lagaga dhuunto duqaymaha.