Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Golaha Wasiiradda cusub ee Xukumadda Soomaaliya.

WAR DEG DEH AH: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida siiyey golaha wasiirrada cusub ee dhawaan uu soo dhisay Ra’isalwasaare Xamse Cabdi Barre.
237 xildhibaan ayaa kulanka joogay 229 ayaa ogolaaday, 7 ayaa diidday, midna waa ka aamusay.
Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta.
Inkastoo codka kalsoonida ay heshay xukuumadda cusub haddana buuq ayaa ka dhacay Baarlamaanka intii lagu jiray barnaamijkii maanta.