Faahfaahin: 100 Alshabab ah oo lagu dilay Dagaalkii cuslaa ee Ceel-Hareeri iyo Garas Magan.

Taliska ciidamada xoogga dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa guul ka sheegtay dagaal culus oo shalay oo dhan ka socday degaano ka tirsan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, una dhow xuduudka Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jen. C/llaahi Cali Caanod ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcaha maanta ku faahfaahiyey dagaalkii ka dhacay degaannada Garas Magan iyo Ceel-Hareeri in lagu laayey in ka badan 100 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalka lagu jebiyey Khawaarijta Alshabaab, isla markaana ay ciidamada dowladda iyo kuwa Degaanka guul ka gaareen dagaalka, kana qabsadeen saldhigyadii Alshabaab.

Dagaalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka oo gacan siinaya ciidamada Danab oo qeyb ka ahaa dagaalka. Jeneral Caanood ayaa sheegay in dagaal kale uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Garas Magan oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ciidan Al-shabaab ah oo gurmad ahaan ugu socday Ceel Hareeri ay ciidanka xoogga dalka kula galeen dagaal culus, oo markii dambe lagu jabiyay maleeshiyada Al-shabaab.

Tirada maleeshiyaadka lagu dilay degaanka Ceel-hareeri ayaa warar kala duwan ay kasoo saareen saraakiisha ciidamada dowladda. Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xds ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay laa 200 maleeshiyo.

Alshabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay dagaalkaasi ku dileen askar gaareysa 38 oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo maleeshiyada degaanka.