Ciidamadii Masaajid Cali-Gaduud oo wax yar u jira xarunta ugu weyn Alshabaab ee Sh/Dhexe.

Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyad Degaanka Gobolka Sh/Dhexe ayaa la wareegay degaano hoostaga degmada Aadan yabaal e Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan oo hoggaaminayaan Xildhibaannada Cismaan Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale ayaa dagaal la’aan kula wareegay tuuloyinka: Cadcadeey, Cadaan-laxeey, Nuur Dugle,, Maxaa-Siciid , Booska Xasan Geedi, iyo Ceelka Maraweyne oo dhammaan ku yaalla inta u dhaxeeysa degmada Aadan-yabaal iyo Masaajid Cali gaduud.

Xildhibaannada hoggaaminaya ciidamada howlgalka ku jira ayaa sheegay inay 9 KM u jiraan xarunta degmada Adan yabaal oo ah saldhigga ugu weyn ee Alshabaab ku leedahay Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab aysan wax dagaal ah kala hortegin ciidamada kusii dhowaanaya xaruntooda Aadan yabaal, halka dhinaca kale ee degmada Jalalqsi ay Alshabaab kala kulmeen dagaalkii ugu cuslaa oo 100 xubnood looga dilay.

Waxaa labada aag dagaal ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka socda diyaar garow loogu jiro in Alshabaab laga saaro xaruntooda degmada Aada nyabeel ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.