Deni oo Muqdisho ku soo wajahan.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa la filaya in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka..

Deni ayaa socdaalkiisa Muqdisho waxa uu qaadan doonna muddo laba maalin ah, waxaana lagu wadaa in kulama lagu xoojinayo xiriirka dowladda federaalka kala dhaxeeyo uu la qaato madaxda ugu sareysa dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa Xamar kulama kula qaadan doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah saaxiibada caalamka inta uu ku sugan yahay.

Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ku matala dowlad gobaleedka Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in kulamada ay qayb ka noqdaan.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegayo in madaxweynaha Puntland uu taageero u raadinayo doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee lagu wado in xukuumaddiisa ay ka qabato deegaannada maamulka Puntland.