IRAN oo toogatay dadka ay sheegtay in ay u Shaqeynayeen MOSSAD.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa toogasho ku dilay afar qof oo lagu eedeeyay inay u shaqeynayeen hay’adda sirdoonka ee Mossad ee Israa’iil, sida ay ku warantay  wakaaladda wararka ee IRNA .

IRNA ayaa sheegtay in Ilaalada Kacaanka ee awoodda badan ee dalkaas ay ku dhawaaqday xiritaanka shabakad dad ah oo xiriir la leh hay’adda Israel. Waxa ay sheegtay in xubnahan ay hore u gaysteen dambiyo hore oo ay isku dayeen in ay khalkhal galiyaan ammaanka dalka IRAN.

Israa’iil iyo Iran ayaa ah laba ay ka dhaxeyso cadaawad soo jireen ah oo gobolka ah, waxaana Iran ay mararka qaar ku dhawaaqdaa in la xirayo dad ay ku sheegtay inay u basaasayeen dalal shisheeye oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Israa’iil.

Iran ma aqoonsana Israel waxayna taageertaa kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda Israel ee gobolka oo dhan, sida Xisbullah iyo Xamaas.

Xubnaha Shabakadda ayaa waxa ay xadeen oo burburiyeen hanti gaar ah iyo mid dadweyne, waxa ayna sidoo kale afduubteen shaqsiyaad iyagoo su’aalo weydiinaya, sida warbixinta lagu sheegay. Waxa ay IRAN sheegtay in  basaasiinta ay haysteen hub ayna ku helaan mushaarka Mossad qaab cryptocurrency ah.

IRNA waxay ku sheegtay maxaabiista la toogtay inay kala yihiin Hossein Ordoukhanzadeh, Shahin Imani Mahmoudabadi, Milad Ashrafi iyo Manouchehr Shahbandi.

Halka Saddex kale oo ka tirsan kooxda lagu xukumay min shan ilaa 10 sano oo xarig ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka IRAN.

Iran iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay basaasnimo. Israa’iil ayaa Iran u aragta khatarteeda ugu weyn, waxayna marar badan ku hanjabtay inay qaadi doonto tillaabo militari oo looga hortagayo in Iran ay hesho hubka Nukliyeerka.

Iran ayaa beenisay inay raadinayso hubkan, waxayna wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto duulaan kasta oo Israel.

Bishii Luulyo, Iran waxay sheegtay inay xirtay xubno hubaysan oo lala xiriirinayo Mossad ka dib markii ay si qarsoodi ah uga soo galeen Iran xuduudeeda galbeed.

Sannadkii 2020-kii, Iran ayaa dil toogasho ah ku fulisay nin lagu helay inuu u dusiyay xogta Maraykanka iyo Israa’iil ee ku saabsan Jeneraal caan ah oo Ilaalada Kacaanka oo markii dambe lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ku qaadeen Ciraaq.