Ciidamada Dowladda oo Alshabaab kala wareegay Degaan muhiim oo ka tirsan Hiiraan.

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan oo dagaaladu ka socdaan.

Ciidamada Gorgor ee Xoogga Dalka oo kaashanayo maleeshiyada Macaawisleyda ayaa maanta howlgal ka fuliyey Buuraleeydda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buurta Dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howgalka lagu dilay 6 ka mida maleeshiyada Alshabaab. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Buurweyn oo Alshabaab muhiim u ahaa.

Dadka degaanka ayaa sheegay in howlgalka Alshabaab looga furtay ilaa 400 Neef oo Ari ah oo ay hore uga dhaceen dadka degaanka.

Degaano ka mida Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dagaallo looga horjeedo Alshabaab oo ay wadaan maleeshiyadad degaanka iyo ciidamada dowladda.