Wareysi Fahad Yaasiin: Taliyihii hore ee NISA oo sheegay in 2 arrimood ay sabab u ahaayeen aamusnaantiisii badnayd.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya (NISA) iyo La-taliyihii hore ee Madaxweynaha ayaa bixiyay wareysi dhif ah oo lagu shaaciyay baraha bulshada.

Fahad ku sharraxay wareysiga oo ka baxay bogga Gaylan Media, oo taageeri jiray dowladdii madaxweyne Farmaajo ee uu xuddunta u ahaa Fahad Yaasiin, waxa uu ku sheegay waxyaabo ka mid ah noloshiisa.

BBC-da ayaa horay u daabacday warbixin dhinacyo badan taabanaysay oo ku saabsanayd shakhsiyadda Fahad Yaasiin, xilli uu xuddun u ahaa arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

Waa kuma Fahad

Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasabooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978.

Wareysiga uu hadda bixiyay waxa uu ku sheegay inuu dhashay dabayaaqadii 1970-meeyadii, uuna kusoo dhex koray qoys diimeed, carruurnimadiisiina uu la qaatay hooyadiis.

Meel fagaare ah ama warbaahinta weli Fahad ugama uusan sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay BBC u sheegeen in uu waxbarasho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo noqday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya.

Waraysigan cusub waxa uu ku sheegay in isagoo 16 jir ah uu noqday macallin dugsi quraan, oo muddo 11 sano ku dhow uu ahaan macallin dadka wax bari jiray.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machad-ka Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto.

Dabeecadaha gaarka ah ee Fahad Yaasin

Fahad Yaasiin waa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012kii. Ma jiro sawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, taas oo astaan u ah in uusan dooneynin in laga helo maclumaadka la xiriira shaqadiisa iyo shaqsiyadiisa ba. Ma leh bog rasmi ah oo loo yaqaan oo ka furan baraha bulshada.

Waxaa lagu sheegaa in uu yahay nin aad loo ilaaliyo, oo aan si sahlan lagu arki karin. Intaa waxaa u wehliya in uu ku adag yahay go’aamadiisa siyaasadeed.

Dad la kulmay qaarkood oo BBC-da la hadashay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso waxay ku sheegeen nin afgaaban oo hadal dhowrsoon misana aad uga fiirsada hadalka afkiisa ka soo baxaya.

Muxuu u aamusnaan jiray Fahad?

Waraysiga lagu hadal hayo baraha bulshada waxa uu ku sharraxay sababta uu ugu caan baxay inuu ahaan jiray qof aamusan.

Fahad Yaasiin

Arrintaas oo marar badan lagu dhaliili jiray ayuu u sababeeyay labo qodob.

“Waxaa suuragal ah in ay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay. Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasabad leeyahay, oo uu waqti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay.

“Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda. Nin sirdoon ah oo shir jaraa’id taagan waligeed lama arkin, Soomaaliya ayay ka dhici jirtay wax sax ahna ma ahayn. In aaniga idaacad soo istaago oo aan ka hadlana munaasabaddeediba ma hayninba,” ayuu yiri.

Kiiska Ikraan Tahliil

Mid ka mid ah arrimaha ugu waawayn ee Fahad lagu xasuusto waa kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd hay’adda sirdoonka Soomaaliya, ilaa haddana aan la ogayn halka ay ku maqan tahay. Warbixin kasoo baxday Nisa ayaa lagu sheegay in gabadhan oo dhallinyaro ahayd ay dileen Al-Shabaab, inkastoo kooxdaas ay beenisay inay ku lug lahayd dilkeeda.

Bishii January ee sanadkan 2022-ka ayuu markii ugu horeysay Fahad Yaasiin ka hadlay hawlaha NISA iyo shaqooyinkii uu kasoo qabtay, kaddib markii uu daabacay maqaal nuqul ka mid ah ay BBC-da heshay.

Hase yeeshee maqaalkaas Fahad kuma uusan soo hadal qaadin dhimashadii Ikraan Tahliil oo isaga shaqsi ahaan lagu eedeeyay, ayna jireen dacwado ka dhan oo maxkamadaha loo gudbiyay.

Dad badan ayaa wareysiyada uu Fahad bixiyo u xiisaynaya si ay u ogaadaan inuu jawaab ka bixiyo su’aalaha badan ee ku gadaaman kiiska Ikraan Tahliil.