Wareysi aan la yeelanay Dr. Ali Osman: Xusuus Todobaadka Xoriyadda &Maalinta Olympigada Aduunka(Olympic day Run).

Umadda Soomaaliyeed waxay la soo kulantay Dhibaatooyin uu abuuray Mustacmiliintii soo-maray, waxaase arintaasi ka gilgishay dhalinyaro soomaaliyeed oo garanayay macaaniga ay leedahay xornimada, waxayan abuureen Ururkii S.Y.L, oo u istaagay in Umadda Soomaaliyeed uu ka qaado Heeryada Gumeysiga, waxayna aaqira-taankii ku guuleysteen in umadda Soomaaliyeed ay xorowdo.

Markaan yara jileecno Dhalinyaradaasi waxay ahaayeen:-

1) Malaheyn waaya aragnimo buuran.

2) Ma’aaminsaneyn qabyaaladda.

3) Da’doodu midka ugu yar wuxuu jiray 16 sano, kan ugu weyna wuxuu jiray 35 sano.

4) Hadafkooduna wuxuu ahaa in la helo umad soomaaliyeed xor ah.

Arimahaas kor ku xusan iyagoo ay jiraan ayay waxay ku guuleysteen in umadda soomaaliyeed ay ka qaadaan heeryada gumeysiga taa waxaa saldhig u ahaa in ay lahaayeen quluub ay ku dheehan tahay soomaalinimo, wadaninimo iyo wadajir, oo ilaa manta umadda soomaaliyeed ay ku xasuusasto ( Eeg Sawirka Lambar 1).

Waxay saacaddu ku beegneyd 12:00 habeenimo, taariikhdu waxay aheyd 1 Luliyo 1960 kii, waxaan hortaagneyn Xerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaalyeed ee( RAAG) oo hadda ah Dekadda weyn ee Muqdisho, waxaa ka soo horjeeday Xeradii agoonta ee (Collegio Orfano), habeenkaasi waxaada’ayay roob yar oo xagaa ah, waxaan hortaagnaa Xerada RAAG, waxaana gacanta I hayay mid kamid ah maamulayaasha Collegio Orfano, waxaana askarigii hortaagnaa Xerada RAAG,ku dhawaaqay ( ku salaam dab) waxaana laga dhawaajiyay muusiqadii astaanta u ahayd Calanka Soomaaliyeed, waxaa la dajiyay Calankii Talyaaniga, waxaana la saaray Calankii Quruxda badnaa ee

Soomaaliyeed (CALAN BULUG AH OO AY DHEXDA KAGA TAALA XIDIGTII 5

TA GEES LAHEYD), wallow aan aad u yaraa waxaa indhaheyga ka soo

burqaday ilmo farxadeed, maamulhii ila socday ayaa madaxa ii salaaxay iasgoo idajinaayo, laakiin waxaan la yaabay ilintii maamulaha ka socotay oo

madaxeyga ku dhacday, taa oo aan waligeey iloobeyn (Xusuus aan waligeey iloobeyn) Eeg Sawirka Lambar 2).

Sawirka Lamber 3, waa markii aan hana qaadnay waxbarashadana aanu ku dadaalnay taa oo naxasuusineysa in Ururkii SYL dadaalkii ay soo galeen oo

qof kasta oo soomaali ah waajib ay ku tahay in uu gudo, waayo waxan kuligeen wax ku soo baranay Calanka Buluuglaha hoostiisa oo ay keeneenUrurkii SYL, laakiin calankaasi ma aheyn mid hadiyad noola siiyay ee waxaa

loo huray naf iyo maal. Eeg Sawirka Lambar 3).

Waxaan mar kastaba anagoo ka duuleyna abaalkii uu qaranka soomaaliyeed noo galay ayaan markastaba ku dadaalnaa in aan dib ugu celino umadda soomaliyeed iyo jiilalka sookoraayo waxyaabihii hore naloogu qabtay, mana joojin doono dadaalkaas, waxaana hadda kormeero ku bixinaa garoomadag/banaadir oo ay ka socdaan ciyaaraha iyo wacyi galinta.Eeg Sawirka Lambar 4).

Waxaa in la xuso mudan doorkii shariifka ahaa oo ay ka qaateen haweenka soomaaliyeed dhalintii xornimada soomaaliyeed, waxay iibiyeen dahabkoodii iyo wax alla wixii maal ay heesteen, waxayna ku taakuleeyeen

halgamayaasha SYL, qaarkood waxay ku umuleen iyagoo xabsiyada isticmaarkii Talyaaniga ku xiran si loogaaro xornimada manta aan ku naalooneyno. Eeg Sawirka Lambar 5).

Waxaan munaasabadan uga faa’iideysanayaa in aan u hambalyeeyo halyeyada OLYMPIGADA Aduunka aan soo wada shaqeenay 50 sano ugu dambeeyay, sidoo kale halyeeyada soomaaliyeed qeybta ka qaatay horumarinta olympigada soomaaliyeed kana qeyb galay ciyaarihii olympigada ee duunka kala dhacay (Eeg Sawirka Lambar 6) OLYMPIC DAY RUN.

Ugu dambeyntii waxaan umadda soomaliyeed ka codsaneynaa in ay dhowraan xoriyadda juhdiga badan la galiyay, dad badana ay ku nafwaayeen,

waxaana aad ogaataan in xoriyaddu tahay Geed weyn oo laharsado laguna warabiyo dhiiga halgamayaasha.