waa Xiriirka Walaaltinimo ku bilowda iskuna Roga Jaceyl.

Waxaa hubaal ah in Xariir badan oo walaaltinimo ku bilaawday isku rogay mar qura mid Haasaawe Jaceyl ah , Naf walibana waxay leedahay Dookh iyo Xulasho iyadoo sahal u gocon karta kana xulan karta Kumaanan qofood qofkeey qof kaliyah.

Hadaba Walaalaha ,Caawa Waxaan diirada Saarayaa Qaababka Jaceyl walaaltinimo ku bilaawday loogu rago Mid haasaawe.

Hadaba waxaa lama huraan ah in Mucaashaqu dhab ka yahay Jaceylka una kala saarantahay Ka helida & Jaceylka, Badnaa Dhalinta maanta waxay jaceylka ka fahansanyihiin waxyaabo qaldan iyagoona naftooda ka dhaadhiciya hadiiba ay qofka ka helaan ineey dhab ujecelyihiin.

Barashadu badnaaa waa mid ku bilaabata Walaaltinimo & Kalgaceyl waana tan ugu fiican ee labada ruux isku bartaan , Hadaba Saaxiibow samee Sidaan :

Inaad badanaa isku daydid farxad galinta Lamaantaada adigoo usameeynaya waxyaabo ka gadisan dhaqamadii aad isku taqaaneen Sida adigoo si kadis ah uga codsatid banaan ubixinta & Baashaal ubixis.

Inaad uga sheekeysid Sheekooyin iyagu ku bilaawday xariir walaaltinimo kuna dhamaaday Qoys isku faraxsan oo Awlaad Saalixiin ah kala helay haba noqdaan kuwa aad adigu soo maan guurisay ama lagaaga sheekeeyey.

Badanaa iska indha tir hadii ay xariir wadaag tahay kana dhig midaan meel kasoo qaad laheen xariirada ay wado mar waliba si kaftan ah uga dhaadhici inaad jeclaan laheed xariir dhab ah oo aadan heli karin qof si dhab ah kuula wadaaga balse hadaad heshid qof daacad kuu ah aad noloshiisa oo idil daacad unoqon doontid kana run sheeg hadii aad heshid.

Usheeg oo ka dhaadhici in calafku meel waliba ku jiro adigoon dheheen waan ku jeclahay ugu hoos qari xitaa macquul inagoo sidaan saaxiibo u ah in calafku dhexdeeda jug kusoo dhaho una dhoola cadee sheekadana xagaas kasii wad.

Maalmo badan kadib soo diyaarso waxyaabo ka turjumaya jaceylkaaga , Keenso qodobo cadeyn u ah inaad jeceshahay adigoo kasoo bilaabaya waqtigii aad jeclaatay iyo waxyaabihii markaas aad indhaheeda kala kulantay , Usheeg inaad mudo badan ka qarineysay jaceylka idinka dhaxeeya balse aad maanta jecleysatay inaad soo banaan bixiso.

Dareenkaaga badal oo iska dhig qof Murugeysan si ay sahal kuugu noqoto aqbilaad dag dag ah , lacala waxaa suura gal ah ineey iyaduba ku jeceshahay balse ay wado kusoo marto garan karin halkaana sahal ay kuugu noqoto in sahal laguu soo dhaweeyo. Waxaad qarsato way ku qarsadaan iska tuf hadalka Guul & Guuldaro , wanaag iyo xumaanba waad kala kulmeysaa waxaana kugula talinaa inaad waqti siisid maalmaha aad si baraatika ah utuseysid jaceylkaaga isla waqtigaan ha u sheegin Jaceylkaaga waxaa suura gal ah ineey Kaftan ufahanto ay kasii socoto.