NIN WALIBA GURIGIISA MACAAC MACAAC AYUU KU JOOGAA.

Nin baa xaaskiisii aad u dhibtay markaas ayuu u yimid nin Sheikh ah oo ay deris ahaayeen si uu talo u weydiisto, wuxuu ku yiri: Sheikh xaaskii baa i dhibtay ee maxaan ku sameeyaa? Sheikhii wuxuu ugu jawaabay iska fur xaaskaaga. Sheikha xaalkiisa oo hadalka maqleysay ayaa ninkii ku tiri: xaaskaaga ha iska furin ee caawa bal xaafada iigu imaw anigaa wax ku tusinayee.
Habeenkii ayuu u soo laabtay gurigii sheikha isagoo ku maqan masaajidka. Xaaskii sheikha ayaa ninkii ku tiri: sariirta hoosteeda gal ee bal u fiirso waxaan ku sameeyo sheikha.
Sheikhii ayaa masaajidka ka yimid, xaaskiisii ayaa qeylo kala hortagtay oo ku tiri: guriga iiga bax, halkee ka timid saacadaan? Masaajidka mar hore ayaa laga soo baxay ee meel kale ayaad soo martay. Sheikhii ayaa tuugtamay kuna dhaartay inuu masaajidka ka yimid. Wuxuuna ku yiri walaaley guriga ha iga saarin Waa ceeb. Markaas bay ku tiri inaan ku cafiyo hadaad rabto gacmaha iyo jilbaha dhulka dhigo ka dibna dusha ayaan kaa korayaa adigoo MACAAC dhahaya. Sidii ayuu sameeyey. Ka dibna waxay ku tiri: waan ku cafiyey caawa ee orod suuliga gal ee soo qabeyso xaaji.
Ninkii kale ee sariirta hoosteeda ku jiray ayey ku tiri: soo bax ee gurigaga aad reerkaagana dhaqo ee u samir mar dambana ha dhageysan sheikha warkiisa.
Maalintii dambe ayey wadada isku arkeen ninkii iyo sheikhii. Markaas ayuu kheikhii weydiiyey war xaaskii dhibka badbeyd ee aad ii sheegi jirtay ma furin miyaa weli?
Ninkii ayaa ku jawaabay: Sheikh nin walba gurigiisa MACAAC ayuu ku joogaa.