Taariikhdii :Axmed Cali Cigaal .

Axmed Cigaal wuxuuna galaya fanka isagoo yar oo ah arday waxeyna eheed sanadkii 1967 wuuxuuna ku bilaabay Riwayadii la oran jiray (Shabeel Naagood) waxaa soo alifay xassan Shiikh Muumin, waxaa ku xigatay Riwayadii la oran jiray (Yaxaas Dhagaduub), waxaana soo alifay Maxamuud Sangub, waa labadii Riwaayadood ee igu horeeyey ee Ahmed, waxeena ahaayeen kuwii oo ku soo can baxay oo ku noqday Fanaan caan ka ka ah somaaliya.Sidoo kale horumarkii weynaa ee dhinacaga muusiga uu ka gaadhey Axmed waxey aheyd isaga oo asaasey kooxdii ama groupkii loo yiqiiney Somali Jazz oo soo bandhigay heesihii ugu horeeyey oo soomali ah ee soomaali waligeed aragato oo lagu Timaayo qalab Casri ah.

Heesaha uu Cigaal lahaa ama ku luuqeeyey, waxa ay lahayeen xornnimodoon, waddani, jacayl, waano, hogatus, hawaale warran, arrimo bulsho iyo nooc kasta oo ka turjuma hummaagyada iyo dareenada ay soomaalidu wax ka curiyaan, waxa ay lahaayeen bad kasta oo maansada soomaaliyeed ka unkanto.

Fannaankan Axmed Cali Cigaal , waxa lagu naanaysi jiray Boqorka Masraxa, waxa uu ahaa fannaanka marka uu heesaha uu ku luuqaynayo ku xarragoon jiray, codkiisuna uu dhegaha ummadda Soomaaliyeed raaxo galin jirayiyo Sida uu qoob ka Ciyaarka u dhigaayo , marka uu masraxa taagan yahayna bulshada qiiro galin jiray.

Waxa uu ahaa Axmed Cali  Cigaal  hoobalka keliya ee ay higsan jireen inta ugu badan Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ragga ahi, fannaaniinta ugu badan ee dumarka ahina ay jeclaayeen in ay la heesaan.

Axmed haatan Wuxuu Ku noolyahay dalka Canada

Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtar Sheikh