Taariikh Nololeedkii Fanaanaddii Faaduma Qaasim Hilowle.

7-dii October sannadkii 1949-kii ayeey ku dhalatay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir; Fanka ayey kusoo biirtay iyadoo carruur ah, waxaana dhalay waddani wayn AUN oo kamid ahaa horseedkii ururkii SYL, sidoo kalana ahaa abwaan waana Qaasim Hilowle.

Aqalkaas fanka iyo waddaniyadda leh ayeey ku dhex barbaartay Faaduma Qaasim, ilaa ugu dambeyntii ay noqotay xiddig fanka saamayn wayn ku yeelatay looguna magac daray (Faynuusti Fanka). Faaduma iyo hoballadii kale ee Waaberi waxa ay gaarsiiyeen fanka Soomaaliyeed heer caalamka laga jeclaado, oo magaca Soomaaliyana meel sare gaaro.

Bandhigyadii la qabtay (Cultural Festivals) ee goobo kala duwan oo caalamka ah lagu qabtay waxa ay keentay in Faaduma Qaasim ay door wanaagsan ka qaadato, Waxaana la xasuustaa inay ku luuqeysay heeso badan oo ay ku qaadday luqado kala duwan.

Intii lagu guda jiray xilligii dagaallada sokeeye, qaxa, iyo burburka AUN Faaduma Qaasim waxa ay ahayd astaan aan liicin oo dhanka nabadda iyo dhiirro gelinta is Jeceylka bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay adeegsaneysay codkeeda dahabiga Ahaa, kaas oo cid walba ay u riyaaqsaneyd.

Waxa ay ku jirtay fanaanniin badan oo Soomaali ah kuwaas oo dalka iskaga baxay, deegaanna ku noqday waddamada reer galbeedka, Faaduma Qaasim waxay degtay dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka billowday wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku noolayd halkaas.

Waxyaabaha lagu xasuusanto waxaa kamid ah heesaha Xamariga, heesaha Luuqadaha qalaad lagu qaado, kasoo muuqashada riwaayadaha kala geddisan ee Banaadiriga iyo kuwa kale ee caadiga ah, intaas waxaa dheer inay ahayd qof samo ka talis ah, waxaana lagu xasuusan doorkii ay ka qaadatay dib u heshiisiinta Soomaalida, iyo shirarkii waa waynaa ee lagu heshiisiinayay bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn geeddi nololeedkii fanaannadda Faaduma Qaasim Hilowle ayaa soo gaba gaboobay 6-dii October sannadkii 2011-kii waxayna ku geeriyootay magaalada London Ee xarunta dalka Ingiriiska.

Waxay dhashay Fadumo carruur badan iyaguna ah xiddigo fanka xag music garaacid iyo xag heesaba la jecel yahay.

Taariikhdii dahabiga eheed ay Feynuustii Fanka Soomaaliyeed Faaduma Qaasim Hilowle halkaas ayay Ku dhamaatay.

Waxaa Diyaariyay Mxamed Mukhtar Sheikh