Erling Haaland Oo Guul Ku Hoggaamiyey Manchester City Xilli Uu Furtay Xisaabtiisa Goolasha Premier League.

ooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul ku bilowday difaacashada horyaalka Premier League ee labadii sannadood ee ugu dambeeyey ay ku guuleysatay, waxaana saddex dhibcood u go’aamiyey Erling Haaland oo furtay xisaabtiisa goolasha horyaalka Premier League.

Man City oo marti u ahayd West Ham United ayaa lasoo laabatay saddex dhibcood iyo laba gool oo nadiif ah, iyaga oo dhinaca kalena sameeyey bandhig dhoola-tus ah oo ay kubadda kaga soomiyeen kooxdii garoonkeeda joogtay ee West Ham.

Erling Haaland ayaa riikoodhe ku furay goolasha Manchester City daqiiqaddii 36aad kaddib markii uu goolhaye Alphonse Areola uu qalad ku galay weeraryahankan oo kubbad xarrago leh ay soo wada ciyaareen Ilkay Gundogan, halka goolka labaadna uu isla Haaland saxeexay isaga oo baas qurux badan oo uu ka helay Kevin de Bruyne la galay xerada ganaaxa, kaddibna dhinaca ka dhigay goolhayaha.

Haaland 1

West Ham United ayaa fursad dahabi ah heshay bilowgii ciyaarta, kaddib markii uu Kurt Zouma madax ku qabtay kubbad uu ka helay Bowen oo koorne ahayd, taas oo sidoo kale uu Lanzini kusii qabtay laba-lugoodis.

Man City ayaa kaga jawaabtay kubbad ay ka wada shaqeeyeen Joao Cancelo iyo Kevin de Bruyne, waxaana kubbad-sameeyaha reer Belgium uu dhinaca ka keenay kubbad halis ahayd balse uu la seegay inuu saaxiibbadii gaadhsiiyo.

Daqiiqaddii 35aad ayaa Manchester City loo dhigay rikoodhe aanay dood badani ka taagnayn oo uu garsooruhu markiiba tilmaamay in goolhaye Areola uu qalad ku galay Haaland, waxaana fursaddan loo daayey weeraryahanka reer Norway si uu xisaabtiisa goolasha ugu furto.

Haaland ayaa laad awood badan ku toogtay goolka isaga oo goolhaye Areola u diray dhinaca qaldan, halka kubadduna koornaha dhinaca bidix ay shabaqa ka haleeshay, sidaas ayaanay Manchester City hoggaanka ciyaarta ku qabatay.

Inkasta oo ay ciyaarta maamulaysay, haddana qaybtii hore ayaanay Manchester City fursado badan samaynin haddana Pep Guardiola waxa uu si aad ah ugu faraxsanaa qaabka  kooxdiisu u ciyaarayso iyo goolka ay la yimaaddeen oo ay u muuqanayeen in ay aad uga awood badan yihiin West Ham.

Markii lagu soo laabtay qaybta labaad ayay West Ham heshay kubbad wanaagsan kaddib markii uu Lanizini dhaxda ka qabsaday kubbad uu ka baxsatay Ilkay Gundogan, waxaanu usii daayay Antonio oo goolka la tegay, waxyarna birta dhinaca ka mariyey.

Erling

Fursad halis ahayd ayaa Manchester City soo martay daqiiqaddii 62aad, markaas oo Foden iyo De Bruyne ay isku dhiibeen, waxaana xerada ganaaxa bannaankeeda ka helay Ilkay Gundogan oo goolka soo mariyey, hase yeeshee cid ku qabata ayaa la waayey.