XAALADDA XAADIRKA AH  EE DHAQANKA  SOOMAALIYEEDMIDKA LA TAABAN KARO IYO MIDKA AAN  LA TAABAN KARIN Qeybtii 2add.

Looma baahna in halkan ku xusno xaaladii qalafsaneed ee uu soo maray dhaqanka Soomaalida –

 Waxaa ku filan in la yiraahdo xaaladda darxumada leh ee u ku sugan yahay dhaqanka Soomaalida, ha noqdo mid la taaban karo iyo mid aan  la taaban karin (Tangible and Intangible), ayaa ka tarjumaysa xaaladda guud ee murugsan ee Qaranka Soomaaliyeed.

Qof kasta oo Soomaali ah oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waa uu la socdaa xaaladda aan laga hadli karin ee aan ku simannahay oo aan wajaheeno.

Dadyoowga Galbeedka Afrika waxay yiraahdaan:

 “Markii qof oday ah uu  dhinto, waxaay la mid tahay in maktabad dhimatay”

”When an elder dies, a library dies with them”

Waxaan dhihi karnaa xoogga  ama awooda dhaxalkeena aan la taaban karin ayaa ah in marka mid ka mid ah abwaannadeena ama fannaaniinteena uu dhinto maktabaddo dhan ama koox muusik ah (orchestra ) ayaa dhinta.

Tusaalahaani waa run, waayo dhammaan farsamada noocyada kala duwan ee fankeena  haddi ay noqon lahayd mowhib iyo xirfad ba waxay ku duugantahay fannaniin teena

Waxaan la kulannay masiibo baaxad weeyn leh oo sababteeda aan qofna ku eeyrsanaynin  o gacmeheena ku samaynay.

Ku dhawaad ​​2 milyan oo qof ayaa ku dhintay marxaladihii kala duwanaa ee dagaalada sokeeye, waxaana ku barakacay in aan ka yarayn 3 milyan oo qof oo ku barakacay marxaladahaas oo qaarkood ay u haajireen qurbaha.

Waxaad qiyaasi kartaa inta koox muusik ama maktabaddo “Orchestras & Libraries” ee naga luntay.

Xaaladda hadda Soomaaliya ku sugantahay waxay u baahan tahay in dib loo soo celiyo oo dib loo dhiso dhammaan hay’adaha dhaqanka iyo dhinacyada xiriirka la lahaa dhaqanka haddii ay tahay cilmi baaris, bandhig, ilaalin iyo keydin (Preservation).

Waxaa jirta gabaabsi dhaqaale iyo cudud aqooneed, farsamo iyo mid waxbarasho labadaba.

Inta badan dadka aqoonta iyo xirfadaha u lahaa waxay ku kala firirsan yihiin daafaha caalamka.

Wakhtigan xaadirka manhajka waxbarasho ee heerarka kala duwan ee dugsiyada dalka u malayn mayo in uu ku jiro maadadda barashada fanka iyo dhaqanka.

 Waxa kale oo aynu waqtiga xaadirka ku jirnaa xaalad Alle ogyahay ayadoo cadawyo badan oo wejiyo kala duwan leh in aay lugaha ka haayaan sare u kaca Dowladnimada.

Ayadoo weli aan la haynin siyaasadda mideysan ee la xiriirta dhaqanka (Cultural Policy)  iyo dhaqan gelinteedaba.

Soomaaliya dowlad ahaan waxay xubin buuxda ka tahay Q.M, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, balse weli ma aysan ansixin heshiisyada caalamiga ah qaarkood ee la xiriira siyaasadda dhaqanka, iyo iskaashiga.

(Cultural Policy and Cooperation)

DHAXAL DHAQAMEEDKA LA TAABAN KARO IYO MIDKA OO AAN LA TAABAN KARIN –

WAAYO-ARAGNIMADA SOOMAALIYEED:

Dhaqanka aan la taaban karin wuxuu soo saaraa waxyaabo dhaqameed oo la taaban karo.

 Xiriirkan waxaa laga yaabaa in la mid yahay xadhigga tidcan (Twisted Rope), si kale haddii loo dhigo ma fududa in labada dhaqan la kala saaro, si kastaba ha ahaatee, waxaan isku dayi doonaa in aan kala caddeyo.

DHAXAL DHAQAMEEDKA LA TAABAN KARO

(TANGIBLE HERITAGE)

Dagaaladii sokeeye wuxuu ina dhaxalsiiyay, burbur weeyn  ayadoo u sii dheertay bililiqo aan loo aabo yeelin dhamman Hiddaha la taaban karo ee Soomaaliya ka jira oo ay ka mid yihiin: Matxafyada taariikhda, dhismayaal taariikhi ah iyo goobo nololeed, masaajido, taallooyin, maktabado iyo kayd qoraalo nadir ah, kaydka sawirrada, liisku wuu dheer yahay.

DHAXAL DHAQAMEEDKA AAN LA TAABAN KARIN

(INTANGIBLE HERITAGE)

Dhaqanka Soomaalida intiisa badan waa mid aan la taaban karin  hodantinimmada suugaanta ee ka kooban heesaha, gabayada, maahmaahyada, masraxiiyadaha, qoraalada iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka).

Waxaan la soconaa in qoraayaasha, fanaaniinta, musikiistayaasha, aqoonyahanka, ay yihiin rukunnada koowaad ee keeydiyaha xusuusta bulshada, sidaas darteedna qaddirinta dhaxalka dhaqanka lama taabtaanka ah ee bulshadeenna waxa ay ahayd mid aad u sarraysa.

Dadka caadiga ahna kama marneen shucuurta qaddirinta iyo keeydinta dhaxalka dhaqameed.

Xusuusta dhaqanka Soomaaliyeed waa mid nool ee weli ku dhex jira dadka iyo fanaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ayka  joogaan dunida.

Waxaa dalka ku nool oo ku kala firirsan shaqsiyaad, ama kooxo faneed iyo farsamoyaqaanno  oo hawl dhaqameed si dhib badan weli u wada.

Fanaaniinta, abwaanada, muusikiistayaasha, jilayaasha ku nool gudaha dalka waxay ku nool yihiin xaalado adag oo aan la sheegi karin.

Ma haystaan: nidaam sharci ah (Copy Right Law) oo ilaalinaaya ama dhowraaya xuquuqdooda faneed iyo wax soo saarkooda, ma haystaan maalgelin iyo tageero maaliyadeed (Financial support & Investment) oo ay ku samayn karaan wax soo saar iyo waxqabad faneed .

Waxaay u magan yihiin munaasibado iyo xaflado dowladeed oo cayiman.

Waxaan u soo joognay oo aan aragnay farshaxanno iyo fannaniin ahaa

 “HANTI NOOL” (Living Treasure) oo cudurro ka dhashay nafaqo darro iyo dar xumo nololeed u dhintay.

Fanaaniinta hore oo noqday qurba-joogta ayaay aad u saamaysay hal abuurkooda iyo nafsadooda niyad jabka qaxa iyo bara kaca, walow ay jiraan jiil dhalinyaro oo fanka ku soo biiray in ay sameeyeen heeso ay kaga hadlayaan waayo aragnimadooda qaxooti nimmada iyo waxa ay soo mareen, ayagoo ku soo kordhiyay dhaqanka nooc cusub oo ah jacbur.

“Xusuustu waa goobta riyadaha (dreams), iyo rabitaanka.

Marka aynu leenahay qofka waxa ka luntay xasuustiisa, waxa aynu ka hadlaynaa in ay dhab ahaantii lumeen raadadkaas shakhsiga ah ee macno wax ku ool ah u samaynaya waxa isaga ku dhacaya ama uu la kulmay.

 Dagaallada sokeeye, xadhigga, jirdilka iyo tahriibka ayaa beddela ama jebiya xusuusta.

Waayo qofna ma jecla in uu xusuusto xumaha uu la kulmay ama ku noolyahay.

 Haddii goobta riyooyinka, rabitaanka, sawirka, miyir-qabka, ay tahay xusuusta, meeday goobta xusuusta lafteeda?

Waa maxay goobta xusuusta?

Xusuusta waxaay ku nooshahay “LUQADDA”, oo “LUQADDA” waa goobta aay xusuustu ku nooshahay. (“Memory lies in Language”)

Waxaa Diyaariyay Cabdulkadir Axmed Saciid(Buffalo)