Wax Ka ogaaw hidaha iyo dhaqanka dalkeena oo aad u kala duwan.

HORDHAC:

Maqaalkaani iyo kuwa xigi doona waxaan jeclahay in aan uga kaga hadlo sida aan u ilaalin karno hidaha iyo dhaqanka dalkeena oo aad u kala duwan, ha noqdeen kuwa la taaban karo (Tangible) kuwasoo kala ah goobaha iyo dhismayaasha taarikheed, farshaxanka, iyo kuwa aan la taban karin , (Intangible) sida luqadda , maah maah yada, heesaha, gabayadda iwm-

Fanka iyo dhaqanka (Art & Culture) waa aaladaha ugu muhiimsan ee lagu bogsiiyo ummada, laguna tusaaleeyo muhimmada ay leedahay midnimadooda iyo wadajir kooda.

Fanka iyo dhaqanka waa qalab muhiim ah oo door wayn ka ciyara ka soo soo kab sashada dib u dhaca, iyo joogtaynta horumarka dhaqameed ee Ummadda.

Si kastaba ha ahaatee inta aanan u gudbin tafaasiisha maqaalkaan waxa aan dareemayaa in ay lagama maarmaan tahay in la eego qeexida erayga “dhaqan’ (Culture) tasoo muhiim u ah sida aan shaqsiiyan u arko micnaha iyo muhiimadda ay bulshada u leeyahay.

Isla markaasina caddeynta qodobkaan aay qeexi doonto, qaab dhismeedka (Framework) ee maqaalkaan

FIKRADDA DHAQANKA GUUD AHAAN

Had iyo jeer ma fududa in la qeexo ereyga “Dhaqan”.
Waxaa jira qeexitaanno badan inta la egyihiin ama ay jiraan aqoonyahaanadda (ANTHROPOLOGIST) ee falanqeeya qodobkaasi.
Aniga waxaan isticmaali doonaa qeexida aqoon yahaanka Ingiriiska ah magacisu yahay:
E.B. TYLOR

“Dhaqanka ama ilbaxnimadu waa shaay leh wajiyo badan, isla markaasina isku wada xiran (Complex), oo ay ku jiraan aqoonta, caqiidada, farshaxanka, akhlaaqda, sharciyada, caadooyinka iyo dhammaan dabeecadaha iyo dhaqanka uu qofka aadanaha u ku kasbado ama uu ku barbaaro isagoo xubin ka mid ah bulshada.”

qoraalka buugiisa “Dhaqanka asaasiga ah” , Brentans, 1924

Dhaqanku waa qeeyb ka mid ah hab nololeedka iyo sida qofka u dhaqmo, dhaqanku waa qorshe uu mujtamaca ku salaayo mihnaddiisa jiritaaneed, ha noqoto bulsho ahaan iyo fikir ahaanba.

Dhaqanka wuxuu saameeyaa tusaale ahaan, cunto karinta, hoyga dhismihiisa iyo sharxidiisa, dhar xirashada, qurxinta aqalka gudihiisa, guurka, abaabulka qoyska, nidaamka waalidnimada, dabaqadda bulshada iyo macaamilka dhexdooda ah, anshaxa iyo asluubta ganacsiga, qaabka dawladda u shaqayso, dagaalka , diinta, iyo luqadda iwm.

Dhab ahaantii dhaqanku waa “unugga iyo tiir dhexaadka  taariikhda bulshooyinka.”

Mar haddii labada bulsho aysan yeelan karin waayo-aragnimo iyo taariikh isku mid ah, waxaa macquul ah in hab-nololeedkooda aysan waligood isku mid noqon karin.

DHAXAL DHAQAMEEDKA  (CULTURAL HERITAGE)

Dhaxal dhaqameedku waa xidhiidh wada siman (synchronised relationship)  oo saameeya is dhexgalka iyo isku xirka bulshada.

Qeeybaha ka mid dhaqanka la taaban karo (Tangible Heritage)  oo kala ah caadooyinka iyo qiimaha (norms and values) waxaa ka mid ah summadaha (symbols), tignoolajiyada iyo ashyaada la taaban karo  waxaay kaloo caddeyn u yihiin xiriirka ( symbiotic relationship) u dhexeeya dhaqanka la taaban karo (Tangible Heritage) iyo dhaqanka aan la taaban  karin (Intangible Heritage).

Guud ahaan dhaqanka aan la taaban karin waa in loo arkaa loona tixgaliyaa qaab-dhismeedka (Framework) ballaaran halkaasi oo dhaxalka la taaban karo uu ku dhex yeelanayo qaab iyo muhiimad (shape and significance).

DHAQ DHAQAAQA DHAQAMEED ( CULTURAL DYNAMICS)

 Dhaqan kastaa wuxuu leeyahay laba dabeecadood:

 Dabeecad u janjeerta dhanka xasiloonida iyo mid u janjeerta isbedelka.

Dhaqamada caadii ahaan si joogto ah ayey isu beddelaan, sababtoo ah shakhsiyaadka bulshada ka mid ah ayaa si joogto ah wax uga beddela qorshahooda dhaqameed, kuwaasi oo isbeddelkaasi ku saleeya hab-dhaqankooda, bulsho iyo fikradeed oo markaasi jira ama taagan.

Maxaa dhacaya marka dhaqanku is beddelo?

Su’aalada faraha badan oo kala ah:  goormee is beddel yimadaa, maxaa sabab u ah, xawaaraha uu isbeddelka ku socdo  iyo tirakoobka ashyaada lagu saa’idiyay dhaqanka ama kuwa ka lumay oo laga tagay ma fududa in si sahlan looga jawaabo su’aalahan oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan ognahay in isbeddelka dhaqanku uu ku dhaco ama keena siyaabaha soo socda

  1. BEDDEL  (BY SUBSTITUTION)

Marka la beddelo hab dhaqameedyo jiray laguna beddelo qaar cusub.

  • LUMIN (BY DISAPPERANCE)

Marka la baabi’iyo qaab dhaqameed jiray loona yeelin beddel.

  • BALAARIINTA (BY ENLARGEMENT) :

Marka dhaqanka lagu soo daro dhaqamo cusub  oo dheeraad ah

  • ISKU DARKA (BY FUSION)

Isku darka oo ka dhasha marka la isu keeno labo dhaqan oo kala gooni ah halkaasina ka dhasha dhaqan cusub tusaale ahaan luqadaha loo yaqaan  Pidgin languages.

Xasiloonida iyo isbeddellada dhaqameed ayaa kala leyihiin oo ku dhex  jira xubno togan ah (positive dynamics)  iyo kuwo taban ah (Negative dynamics).

 Dhaq dhaqaaqa dhaqanka ee taban ka ah (Negative) wuxuu dhalin karaa isbeddelo u horseeda in dhaqanku burburo ama dhinto.

DHAQAN BURBURKA (CULTURAL DISINTEGRATION)

Arrinkaan waxaa guud ahaan loo fahamsanyahay in ay tahay marka aay timaad daruuf  ka dhex dhasho mujtamaca, nidaam kala daadsanaan ah (disorganization)  kasoo dhaliya  isbedello ka  fara bato gacanta shaqsiyaadka bulshada mucayinka ah dhexdeeda.

 Taariikhda waxaa ka buuxa tusaalooyin la xiriira dhaqan burburka dhaqameed, waxaa ka mid ah xadaarado waaweyn, sida kuwa:

 Masaridii hore, Great Zimbabwe iyo Mapungubwe (Africa).

Giriiga, & Rome, (Europe) – Machu Picchu (Latin Ameerica)

 Sababaha dhaliya burburka dhaqanka waa laba sababood oo kala ah: mid   ka dhasha mujtamaca gudihiisa, ama sababo dibadda uga timaad (Internal or external factors).

Arrimaha la xiriira sababaha burburka dhaqanka waxay mujtamaca dhaxal siyaan:  

dagaallo dhexdooda ah, mujtamaca oo lagu soo duulo oo la qabsado (conquest), guurid ama haajirid ku yimaada ummada mujtamacaasi (migration).

Asbaabaha dibadded (external factors)  ee dhaliya burburka dhaqanka waxaa ugu wayn  Gumeysiga.

Dhaqanka ama asluubta gumeysiga u ku dhex yeesho mujtama  uu gumaysto  waa dhallan rog dhaqameed oo guud ah kuna beddela dhaqanka ummadaasi lahaayd dhaqankiisa, kaasi oo saameyn ba’an  ku yeesha diinta, aqoonta, luqadda iyo sharciga iyo qaanuunka ummada ay isku maamuli jirtay gumeysiga ka hor.

“Markii Vasco da Gama uu ku wareegay Afrika 1498, waxay aas aas u ahayd muddada loo yaqiinay dib-u-nooleynta Yurub (European Reinassance), xilligaasi oo isla markaasi saldhig u ahaa  aas aasidda casriga ah oo suurta geliyay korrimada burjuwaasiyadda reer galbeedka.

Waxaay bilow u ahayd burburinta deg degga ah ee magaalooyinka xadaaradaha leh ee xeebaha Bariga Afrika.”

Waxaa Qoray: Cabdulkadir Axmed Saciid

Qeybta 1aad

La Soco Waa tixane ilaa 4 qeybood