Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ka wadahadlay Dagaalka Alshabaab.

Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa xarunta Pentagon-ka kulan kula yeeshay madaxweyne iyo xubnaha weftigiisa ee la socday, iyadoo labada dhinac ay ka wadahadleen xiriirka iyo iskaashiga milateri.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu sheegay in labada masuul ay yeesheen kulan midho dhal ah. “Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Madaxtooyada ee Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu kala hadlay xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane Lloyd James Austin, Qodobo ay ka mid yihiin: Xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga, xasiloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.”

Weftiga ka socday Soomaaliya ayaa sheegay in xoghayaha difaaca ee Maraykanku inuu u muujiyey madaxweynaha, sida ay uga go’an tahay in la adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dawladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dawladda Soomaaliya ee arrimaha bini’aadanimada, tababaridda ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada.